Saturday, August 27, 2016

Unknown

BARASHADA COMPUTER SCIENCE 1aad: MAXAA LAGAAGA BAHAN YAHAY!!!!


                              


asc, waxaa mahad iska leh alle, oo ii suurta galiyey inaan maanta cashar muhiim u ah dadka jecel barashada computer science ka inaan qoraal kooban ama faham guud ka bixiyo, inkasto qolaba dhinac si gaar ah faham guud uga bixiso, hadaba maanta waxan halkan kuso bandhigi doona qofka raba inuu barto maadadaan hor dhac ku saabsan iyo qaybaha ay u kala baxdo, sidoo farqiga u dhaxeeya COMPUTER SCIENCE AND ICT ( information and communications technology )



computer science: muxuu quseeya ? ..... computer science waa barashada ama sharciyada qawaaniinta in la xisaabiyo shay, ama waa xalinta masaa' isha u baahan xal, sidoo kale computer science waa nidaamka xisaabinta ayado la isticmaalayo elektaroonik ( electronics ) sida computer ka.  waxa sidoo kale la sheega in computer science ku uu keenay priciples ka iyo fikradaha uu ku dhisan yahay cilmiga information technology, computer science ku waa maado aad iyo aad u wayn oo la xiriirta maadooyin badan waxana ugu wayn maadooyinkaasta xisaabta { mathematics ).


manaahijta jaamacadaha waxay u bixiyaan labo qaab oo ah computer science ka.


  • qayb lagu barto ama xooga lagu saaro barashada maada theorotical ka ah ( alogrithm ka la xiriira iyo computation ka )
  • qayb awooda lagu saaro parnaamij qorida ( computer programming ) iyo courses la xiriira , taas oo ardayga u wajahaysa barnaamijta iyo suuqa barnaamijyada inuu galo.
balse waxaa jirta hal shay oo ay ka wada siman yihiin dhamaan ardada , taas oo ah inay ka dhisan yihiin laamaha kale ee maadada iyo mathematics reason ka. taas oo qofka u sahlaysa ama ka dhigaysa inuu noqdo qofka mid xal keena solution provider.


waxaa inta badan dadku isku qaldan hadii uu qofka barto maadada computer science ka ay ka dhigan tahay inuu yaqaano un sida computer ka barnaamijta loogu qoro oo kaliya, maadaama ay jaamacada amase collegeyada ay awooda saaranta maadada gaar ka ah , amase arday kasta uu ku qaato course.


qofka barta computer science ka waxaa haboon inuu noqdo qof yaqaan isticmaalka luuqada iyo sida loogu programing karo computerada, balse waxaa intaas kasoo horjeeda inay jiran dad dhaha waxan soo bartay computer science oo misan ku shaqeeya dad kale fikradoodo ( alogrithms ) taas oo ay ka dhigan tahay qof barnaamij uu soo sameeeyey inuu asagana wax yar ka badalo amase computer ku shubo .

hadaba si aan faham guud uga qaadano qofka barta computer science ka laamaha muhiimka ayaan wax ka taaban doonaa in kasto ay badan yihiin balse qay ayan kaso qaadanaynaa.
  • xisaabaadka aas aasiga ah ( alogrithm )
  • programing langueges
  • software engineering
  • system architecture
  • communications
  • database
  • artificial intellgence
  • computer graphic and multmedia
  • security 

intaan waa kuwa ugu caansan ee la xiraara computer science,

hadaba maanta waxan casharkeena kuso koobi doonta intaan anaga oo isku dayaynay wixii la xiriira madadaan inaan wax ka qorno amase cashar ahaan u bixino online muddada dhow.

waxaa had iyo jeer ku xirnaata website keena si aad u hesho aqoonta ICT-ga , 

mahadsanid   
                               

                                 LASOCO QAYBAHA DANBE.

qore : ENG c/najiib beehan ahmed

Unknown

About Unknown -

Author Description here.. Nulla sagittis convallis. Curabitur consequat. Quisque metus enim, venenatis fermentum, mollis in, porta et, nibh. Duis vulputate elit in elit. Mauris dictum libero id justo.

Subscribe to this Blog via Email :

8 comments

Write comments
December 18, 2018 at 8:39 AM delete

asc marka kowad waad mhdsanthy macalin eng c.najib marka xigta sidee igu bari karta computer science iyado online ah casharada iyago dhamestiran maheli karaa thanks

Reply
avatar
December 18, 2018 at 9:28 AM delete

asc marka kowad waad mhdsanthy macalin eng c.najib marka xigta sidee igu bari karta computer science iyado online ah casharada iyago dhamestiran maheli karaa thanks

Reply
avatar
Unknown
AUTHOR
January 6, 2019 at 11:33 AM delete

Asc marka kowad wad mhdsnthy macalin in badan marka xikta sidee loo baran karaa madadan combeter science mhdsnd

Reply
avatar
Unknown
AUTHOR
January 13, 2019 at 5:35 AM delete

Asc waa mahadsantahay Eng waana wixii loo baaahnaa maasha Allah

Reply
avatar
kaafi
AUTHOR
January 24, 2019 at 10:10 AM delete

wcs engeneere waa hool larabay in dadwaynaha la hor keyno waliba somalida waxan ku rajeynaa inaad hesho sida aad rabtay m.a mida kale anika dhinaca IT KA WAAN KA cawin karaa waa hada wax ika soo bahato waan ku cawinaa waxad rabto balan waaye message iso dir
wasalamu calaykum warah matulahi wabarakaatu

Reply
avatar
Unknown
AUTHOR
July 4, 2019 at 4:12 AM delete

Mashalh eng waxad khdahy wixii loo bahnaa mhdsnd

Reply
avatar
Stto
AUTHOR
October 12, 2019 at 3:04 PM delete

M.a ilahay cilmigaad baraty ha kugu anfaco eng. Blase ingineere waxan jeclaa Inman barto cilmiga mana jooga wadan ka sidee wax barashadayda hoos uga so bilaabi kara ileen wadanki shahaado dugsi sare unban haystaye.. halkaas eng. Wax iiga sheeg plz.mhd.sanid asc...

Reply
avatar
Anonymous
AUTHOR
October 11, 2022 at 12:31 PM delete

Thanks teacher keep going

Reply
avatar