Tuesday, August 23, 2016

Unknown

CASHARKA 1AAD : EE BARASHADA NETWORK-GA







asc, dhamaan asxaabta waxan qoraalkan ku baran doona cashar aad muhiim u ah iyo qaybna ka aha

website ka, casharkan waxan ku baran doona Network  waxa uu yahay iyo qeexidiisa , sidoo kale

waxan baranaynaa hordhaca network aniga oo soo koobaya fahan guud na niga siinaya ,

darsigeena waxa uu ku saabsanaan doona ciwaanada hoos ku xusan oo an mid mid u fah faahindoono


waa maxay network

waa maxay farqiga u dhaxeeya networ iyo networking

waa maxay hub

waa maxay switch


1:  waa maxay network:


network hadan si guud u sharaxno ka hor inta aan faah faahin. Network  iyo Networking farqiga u dhaxeeya ayan so koobayna. network waa marki aad doonayso inaad ku isticmaasho computer kaaga amase taleefankaaga khad amase net adiga oo booqanaya amase dantaadu tahay inaad website wax ka aqrisato, inaad youtube waxa ku daawato, facebook ku isticmaasho, iwm. taas micnaheeda waxan ula jeeda network waa marki aad qalabkaaga casriga ah aad ku isticmaasho internet ama khad.





2:  farqiga u dhaxeya network iyo networking:

farqiga u dhaxeeya network iyo networking aad ayuu u balaaran yahay, balse aan kaso qaadano fahanka guud, 

network sida aan horay ugu soo sheegnay qeexida kore, waa isticmaalka internetka oo aad ku xirayso 


qalabkaaga aad doonayso inaad ku isticmaasho.


networking : waa shayga aad doonayso inaad ku isticmaasho internetka, tusaale computer kaaga

waxa aad doonaysaa inaad ku isticmaasho internet, hadaba computer kaaga waxa lagu magacaabaya

networking device, halkan network ay tahay internet ka loo bahan yahay amase noo ogalaanaya inaan
website wax ka aqrisano amase qaybaha kale ee isgaarsiinta isticmaalno,

marka network waa habka la isugu  xirayo ( computerada, printer sharing ka, server-da, iwm ) halka

 networking uu yahay qalabka la isku xirayo, intaas ayaan fahan kaga qaadanaynaa.  hadii aad la

kulanto inta aad ku jirto aqrinta casharka wax caqabad ah waxad nagala soo xiriir karta


NAJEEB.CHANNEL@GMAIL.COM.



3: waa maxay hub:

hub waa aalad loo isticmaalo in la isku xiro computers badan, laakiin aan maanta la isticmaalin balse waagii hore 

loo isticmaali jiray in computerada ama serverada la iskugu xiro, si ay isugu gudbiyaan files ka, iyo 


documentiyada, iwm.


tusaale hadan usoo qaadano sawirka hoos ka muuqda:








hub ka shaqada uu qabto , hub ka maadaama uu yahay mid horay looga baxay oo dunida maanta ay ROUTER 

isticmaasho iyo iwm, hub ka waxa uu qabta in computerada uu isugu gudbiyo waliba waa computerada hal 


network ku xiran, laakiinse hub ka ma ahan mid caqli badan oo kala garan kara computerka xogta loo diray 


asaga oo isticmaalaya mida kasoo horjeedkeeda ayuu sameenaya in sida ROUTER 1  fariin uu usoo diray 


ROUTER C in uu hub ka uu kala garan waayo meesha loo soo diray taas oo marka danbe uu sameeyo  in uu 


xogti loo soo diray ROUTER C inu u diro dhamaan ROUTER da kale markii laga reebo ROUTER ka fariinta soo 


diray.




4:  waa maxay switch :

switch waa hub ka oo kale , laakiinse aad iyo aad buu uga hormarsan yahay  maxaa yeelay switch ka waxa uu

 lee yahay godad badan oo loo isticmaalo cablada network-ga  halka uu hub ka lee yahay godad kooban, sidoo


 kale waxa uu switch ka  --- ka caqli badan yahay hubka 100% asaga oo loo isticmaalo shirkadaha amse 


xarumaha waa weyn ee company da, switch ka waxa hoos yimaada qaybo badan sida :-


   -    ROUTER KA

   -   CABLES KA

   -   STRIGHT THROUGH - CABLES

   -    CROSS OVER CABLES KA

   -     ROLEOVER CABLE

qaybahaan waa qaybo aan ku qaadan doono cashar keena danbe , laakiinse waxay la socdaan cashar

kaan, waxan mid mid u sharixi doonaa casharadaan. hadaba waxa muhiim ah inaad la socoto

casharada waa qayabaha free -ga ah ee ka baxa website ka


xaquuqda qoraalka :  ENG : NAJEEB BEEHAANI AHMED



wixii faah faahina waxaad noogu reebta meesha hoose ee commentiga, amase emial kayga iigu soo dir 


                                        email: najeeb.channel@gmail.com






                                                 LASOCO QAYBTA 2AAD EE CASHARKA









Unknown

About Unknown -

Author Description here.. Nulla sagittis convallis. Curabitur consequat. Quisque metus enim, venenatis fermentum, mollis in, porta et, nibh. Duis vulputate elit in elit. Mauris dictum libero id justo.

Subscribe to this Blog via Email :